Lusaka, Zambia (INO) – Cali Xaaji Warsame ayaa kaga dhawaaqay dalka Zambia in uu yahay musharax u taagan Madaxweyne-nimada Soomaaliya, isagoo horey u soo noqday Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta sare ee Puntland, wuxuuna wax badan ka soo qabtay deegaanada Puntland.
Cali Xaaji Warsame ayaa hadda booqasho ku jooga dalka Zaambiya wuxuuna la kulmay Waxgaradka, Ganacsatada iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas, isagoo kala hadlay arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo sidii ay kaalin muuqata uga gyesan lahaayeen Isbedel Siyaasadeed oo ka dhaca Soomaaliya.
Cali Warsame taageerayaashii magaalada caasimada Zambia ee Lusaka ayaa wuxuu si faahfaahsan uga hadlay dhibaatooyinka Soomaaliya ay xiligan marayso, si gaar ah usoo qaaday sida looga guuldareystay in wax laga qabto arrimo badan oo ay ahayd in la hirgaliyo 4-tii sano ee lasoo dhaafay.
Musharax Cali Xaaji wuxuu kaloo cadeeyey in ay lagama maarmaan tahay in uu yimaado Isbedel mug weyn oo la yimaada tub-toosan oo wax looga qabanayo Soomaaliya, dib dhiskeedana gacan weyn ka geysan doona.
Waxgaradkii, Ganacsatadii iyo qeybaha bulshada ee ka hadlay madasha ayaa soo dhaweeyey musharaxnimada Cali Xaaji Warsame, waxayna si cad u sheegeen in ay ku faraxsan yihiin taageeri doonaan Isbedel in uu yimaado, iyagoo xusey in ay rajo wanaagsan ka qabaan in uu Cali wax badan ka qaban doono xaaladda Soomaaliya ay maanta kusugan tahay.
Soomaaliya ayaa hadda galaysa marxalad doorasho, waxaana lafilayaa in sanadkan 2016-ka uu noqdo tartan la galo baratan adag oo siyaasadeed, kaas oo ay ku hardami doonaan Madaxda Siyaasadeed ee dalka, si gaar ah sannadkan waxaa isku arki doona shaqsiyaad dhamaantood horey loo soo tijaabiyey oo aan ku cusbaneyn Masraxa Siyaasadeed.
Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa ka soo jeeda goboladda Waqooyi Bari ee Soomaaliya waana musharax ay si aad ah iga soo horjeedaan madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Cali Gaas, waxuuna sidoo kale ka mid yahay siyaasiyiinta ugu miisaanka weyn ee Puntlandka soo jeeda.