Dhageyso Wareysi:Ururka NUSOJ Oo Si Adag U Cambaarayey Xariga Wariyaasha Idaacadda City Ee Jowhar

0
402

Baydhabo (INO)- Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyey xariga Labo kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala magaalada magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Xirnaansha Radio City

Weriyayaasha la xiray waxay kala yihiin Cabdishakuur Cabdullahi Axmed (Shashaa) oo ah Agaasimaha Idaacadda City iyo  Weliba  sidoo kale la xiray Cabdiraxmaan Xuseen Cumar (Wadani) oo ah agaasime ku xigeenka isla idaacadaasi.

Gudoomiye Ku Xigeenka ee NUSOJ Cali Ilyaas C/laahi oo u waramay IdaleNews.com ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay xarigga iyo caburinta lagu hayo warbaahinta isagoo sheegay inay ku hawlan yihiin sidii wariyeyaasha xiran xoriyadooda loogu soo celin lahaa.

“Waa nasiib darro agaasimihii  iyo Agaasime ku xigeenkii Idaacada City xabsiga loo taxaabo, iyagoo waajibkoodii shaqo gudanaya,” ayuu yiri Cali Ilyaas C/laahi Gudoomiye Ku Xigeenka  ee NUSOJ, “

“Waxaana ku baaqeynaa in labadan weriye xorriyadooda sida ugu dhakhsiyaha badan loo celiyo Isla markaana hawadda dib loo soo celiyo Radio City” ayuu mar kale yiri Cali Ilyaas.

Ugu dambeyntii, Maamulka gobolka shabeelada dhexe ayaan si rasmi ah uga hadlin xarriga weriyayaasha.

Halkan Ka Dhageyso

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay