Xubnaha golaha Barlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka dooday sharciyo dhowr ah oo ay xukuumadu u gudbisay kuwaasoo ay ka midyihiin gudiga madaxa banaan ee dastuurka,Hindise sharciyeedka gudiga xuduudaha iyo federaalka,iyo hindise sharciyeedka golaha adeega garsoorka.
Dood dheer kadib ayaa goluhu waxa uu ugu horeyn cod u qaaday gudiga madaxa banaan ee dastuurka kuwaasoo 134 Xildhibaan ay ogolaadeen halka 9 xubnood ay diideen iyadoo ay 10 mudane ka aamuseen taasoo ansax ka dhigtay ansixintooda,
Sidoo kale golaha Barlamaanka ayaa kulankooda maanta cod u qaaday hindise sharciyeedka gudiga xuduudaha iyo federaalka kuwaasoo ay goluhu diideen kadib markii ay 80 xildhibaan maya ku codeeyeen halka 66 mudane ay ogolaadeen iyadoo 12 udane ay ka aamuseen waxaana ay natiijadu noqotay in barlamanku diiday hindisesharciyeedkaasi,
Mudanayaasha barlmaanka Soomaaliya oo kulankoodu weli socdo ayaa sidoo kale maanta waxa ay ka doodayaan hindise sharciyeedka golaha adeega garsoorka iyadoo uu barlamanka ka hor hadlay wasiirka Garsoorka iyo Federaalka Faarax Sheekh C/qaadir.
Idale News online, Muqdisho.