Gollaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta La Horgeeyey Xeerka Saxaafada, Kana Hadley Qodobo Kale oo Amnigu Ku jiro.

0
191

shirka maanta todobaadlaha ee Golaha Wasiirada oo uu shir gudoominayay ra’isul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka diinata iyo awqaafta Ridwaan Xersi Maxamed ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo quseeyo xaaladaha dalka oo uu amnigu ka midyahay.

golaha WasiiradaDamjadiid
Shirka intii uu socday ayaa qodobada looga hadlay waxaa kamid ahaa amaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo gobollada dalka, iyadoo lagu soo hadal qaaday xoojiin gargaarka lagarsiinayo dadka kunool deeganada iyo degmooyinka laga xoreeyay meleeshiyaadka Argagixisada ee Al-Shabaab.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka ah mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa u gudbiyay golaha wasiirada xeerka saxaafadda ee dalka kaasoo mudo dheer ay wasaaraddu ku howlaneyd diyaarintiisa kadib gudi kasoo shaqeynayay sidii loo dhameystirilahaa iyadoo laga talogeliyay qeybaha warbaahinta ee ka howlgala gudaha dalka iyo caalamka intiisa kale waxaana la filayaa in goluhu ay meel mariyeen shirarka soo socda si Barlamanka loogu gudbiyo.
Sidoo kale shirka intii uu socday ayaa waxaa warbixin looga dhageystay wasiir ku-xigeenka wasaarada gashaandhiga ee xukumada federaalka ah kaasoo golaha faah faahin kasiiyay xalinta dagaal beleedyo kadhacay deegaano katirsan Gobolka gedo taasoo lagu guuleystay in heshiis la dhex dhigo dhinacyadii dagaalamay.
Wasiir ku_xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdullaahi Colaad Rooble oo la hadlay warbaahinta kulanka kadib ayaa sheegay in goluhu si aad ah uga doodeen dhamaan qodobada sare ku xusan dhamaantoodna ay guul kusoo idlaadeen.
Idale News Online, Muqdisho.