Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Caafimaadka Adduunka oo lagu qabtey Magaalada Muqdisho.

0
241

Waxaa Hotelka  Jasiira ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey  Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimey oo lagu Xusayey Maalinta Caafimaadka Aduunka  ee 7 April waxaana ka qayb galey Xildhibaano, Wasiiro, Masuuliyiin ka socotey Hayadaha Samafalka kuwooda Dibada iyo Gudaha, Ururka Dhaqaatiirta Soomaalyeed,, Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka ee Daryeelka Bulshada, Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Fanaaniin.

13

 

Ugu Horeyntii Waxaa halkaa ka Hadley Sii hayaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Mudane Cabdirashiid Faarax Cismaan oo ugu horeyntii u Mahadceliyey intii isku soo duba ridey Munaasbadaan oo uu sheegey in ay tahay Munaasabad la doonayo in Bulshada lagu Baaraarujiyo Faa’iida Caafimaadku uu u leeeyahay Bulshada , isagoo sheegey in Hal ku dhiga Sannadkaan uu yahay Small Bite , Big Treat (  oo Macnaheedu yahay Qaniinyo yar oo leh waxyeelo weyn) wuxuu uu tusaale u soo Qaniinyada Kaneecada oo uu sheegey in marka hore ay tahay mid yar  balse waxyeelo weyn u keenta Bulshada , wuxuuna uu soo jeediyey in Bulshada looga baahan yahay sidii ay uga hortagi lahaayeen Waxyeeladaas ama Khatartaas.

 

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Dr  Cabdi Cawad oo ah Khabiir Caafimaad oo ka tirsan Wasaarada Caafimaadka waxaana uu faahfaahin uu ka bixiyey hal ku dhiga Caafimaad ee uu qaatey Adduun Sannadkaan, isagoo sheegey Qaniinyada yarta ah ee ay keenaan Kaniicada, Duqsiga iyo kuwii la midka ah looga hortagi karo iyado la xirto Maro Kaneeco islamarkaan lagu dadaal Nadaafada taasoo uu sheegey in  Kharashkeedu aad uyar yahay , waxaana uu Bulshada ku booriyey in la qaat Talooyinka ay bixiyaan Dhaqaatiirta si Bulshada uga badbaado Cuduro fara badan .

 

‘Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Madaxa Hayada Caafimaadka  Aduunka WHO Dr  Maxamed Cabdulaahi oo  isna soo hadal qaadey halku dhiga Sannadka (Small Bite , Big Treat) ayaa waxaa uu sheegey in Sababaha loo qaatey Halku dhigaan uu yahay ka dib markii la ogaadey ama Daraasad lagu sameeyey Dhibaatada ay keenaan Dulinka  oo uu sheegey in Malaaiyiin Ruux ay u dhnteen Dhibaatada iyo Waxyeelada ay keenaan Cudurada ku yimaada  Cudur Sidayaasha sida Kaneecada iyo wxii la mid ah .

 

Dr Cismaan Aadan Cabdulle oo ah Gudoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa sheegey Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay ku dhaqami Doonaan Halku dhiga Sannadka si Bulshada looga yareeyo ama looga Ciribtiro Cudur Sidayaasha , waxa kale uu sheegey in Ururka Dhqaatiirata  Soomaaliyeed uu dhawaan Bilaabi Doono Olole Bulshada looga Wacyigelinayo  Dhibaatada Cudurada sidoo kale waxaa uu sheegey in Ururka Dhqaatiirta Soomaaliyeed uu la shaqeyn doono  Wasaarada Caafimaad si loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed,

 

Canab Xasan Cilimi oo ku hadleysey Magaca Haweenka Soomaaliyeed  ayaa u Mahacelisey intii  soo aabaabushey Xafladaan lagu Xusayey Maalinta Caafimaadka ee 7-da April, 2014 waxayn Dowladda Federaalka ka Codsatey sid loo Furi lahaa isbitaalka Haweenka iyo Dhalaanka Soomaaliyeed oo ay sheegtey in uu u xiran yahay arimo Dhaqaale  sidoo kale waxay weydiisey Madaxdii ka soo qayb gashey Munaasabadaas sababta uu ilaa iyohada loo furi la’ yahay Isbitaalka Digfeer  oo ay sheegtey in mar hore la dhameystirey.

 

 

Xildhibaan  Dr15 (2) Cisman Dufle oo ah Gudoomiyaha Guddiga Baarlamaanka Federaalka ee arrimaha Adeega Bulshada oo ka Hadley Kulankaas ayaa waxa uu sheegey in Gudigooda  Baarlamaamka ay qaadan dooaan wixi Taloyinka oo kaga yimaada Wasaaradda Caafimaadka sidoo kale waxaa  uu ka Codsadey Xukuumada in ay Il gaar ah ku eegto Isbitaalada la furaya oo uu sheegey in ay ka Howlgalaan dad aan Dhaqaatiir ahayn,

Wasiirka ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka  Dr Axmed Aadan Axmed oo ka Hadley Xafladaas ayaa waxaa  uu yri “ Waa Dhamaatey Xiligii Dalka la keenaya Daawooyin dhacay iyo dad aan Dhaqaatiir ahayn oo ku shaqeystaan Xirfadaas Wasaarada waxay Dhawaan Bixin doontaa Warqadaha Aqoonsiga ama Leysinka ee ku aadan arrimaha Caafimaadka” waxaa uu uu u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in ay la shaqeyaan Wasaarada Caafimaadka  si loo helo Hanaan Caafimaad oo meel walba ka dhameystiran.

6

Wasiirka Caafimaadka Mudane  Axmed Maxamed  Maxamuud oo ka Hadley  ayaa uu Hoosta ka Xariiqey in wixii talooyin ah ee loo soo jeediyey Wasaaradiisa ay ku dhaqmi doonto  oo ugu horeysa Furitaanka Isbitaalka Banaadir iyo Isbitaalada kale,sidoo kale waxaa uu sheegey in Wasaaradiisu ku shaqeyn doonto  Halku dhiga Sannadkaan si Bulshada looga Badbaadiyo Khataraha Caafimaad ee ay keenaan Cudursidayaasha , iyadoo intiii ay socotey Munaasabadaas  halkaas lagu Daawadey Filim ka hadlaya Waxqabadka Wasaaradda .

7 (1)

Ugu Dambeyntii waxaa Xafladaas lagu Xusayey Maalinta Caafimaadka Adduunka 7 April  2014 ka Hadley Raiisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta  Ridwaan  Xirsi Maxamed oo ugu horeyntii  waxaa  u Mahadceliyey Intii isku howshey Munaasabadaan oo uu sheegey in ay tahay mid aad Muhiim ugu ha Caalamka gaar ahaan Soomaaliya oo uu sheegeyn in Cudurada  ugu badan ay u dhintaan Bulshada ay yihiin kuwa Cudur Sidayaasha , waxaa kale uu sheegey  in wixii Cabasho ah ee loo jeediyey Xukuumada ay sid deg deg ah wax uga qaban doonto. Waxaana Munaasbadaas Riwaayad ka hadeyso Caafimaadka Bulshada ku soo bandhigey Kooxda Iftin.

Idale News Online