Fanaan badan oo sida Jiim Shiikh Muumin kamid ah, waxay ahaayeen kuwo Soomaaliya oo dhan si weyn looga yaqaan kahor dagaaladi sokeeye 1991-dii.
Isbuucii hore, ayaa fanaanka Jiim Shiikh Muumin, waxa uu kasoo muuqday Xeebta Liido isagoo wata Kataarkiisa, waxaana hareerihiisa joogay ilaa 20 dhalinyaro ah, kuwaasoo dhageysanayay mid kamid ah Heesihiisa Macaan.
Jiim waa fanaan ku caan baxay dhinada Garaacista Muusica (musician).
Kahor 30 sano Soomaalida waxay ahaayeen dad caan ku ah dhinaca Fanka, waxaana jirtay xili ay kaalmaha 1aad kasoo gali jireen tartanada Fanka, hadeey ahaan lahayd Gobolka iyo Caalamka.
Jiim Shiikh Muumin, kahor dagaaladi waxa uu ahaa xidig si weyn looga yaqaan dhulka Soomaaliyeed, laakiin dagaaladii sokeeye ayaa wax walbo badalay, in badan oo Jiim lamid ahaana waxay u carareen dibadaha.
Jiim oo hada ah 68jir, ayaa soo galay fanka isagoo 17 jir ah, waxaana hada uu kamid yahay fanaaniinta fara ku tiriska ah ee wadanka ku haray.
In badan oo kamid ah asxaabta Jiim waxay u carareen Yurub, Amerika iyo Asia, waxayna sheegeen in qof walbo oo dalkiisa dagaalo ka jiraan uu qaadi lahaa wadadaas.
Waqtigi ay jirtay xukuumadii Siyaad Barre ee dalka maamuleysay 20ka sano, Fanaaniinta waxay ahaayeen kuwo ku nool nolol aad u wanaagsan, waxaa la siin jiray Hadiyado qaali ah, sida Baabuur iyo Guryo.
Idale News Online, Muqdisho.