Baarlamanka oo joojiyay qaadashada warqadaha aqoonsiga.

0
174

Kulanka maanta ee golaha shacabka oo uu shir gudoomiyayay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka ayaa waxaa mudanayaasha waxa ay ka doodayeen fududeynta helidda Baasaboorka iyo Warqadaha Aqoonsiga oo maalintii shalay ay Xildhibaanadu bilaabeen doodiisa, taas oo ay soo gudbiyeen qaar kamid ah mudanayaasha golaha kadib markii sida ay sheegeen culeys badan kala kulmeen dadka doonaya Warqadaha Aqoonsiga iyo sameysashada baasa boorka Soomaaliga.

Furintaanka kulanka golaha shacabka ayaa Mahad Cabdala Cawad Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka oo kulanka shir gudoomiynayay waxa uu  mudaniyaasha golaha shacabka ka codsaday inay ku dedaalaan ka soo qeyb galka fadhiyada Barlamaanka maalin kasta ay ku leeyihiin xaruntooda Muqdisho, si loo dar dargeliyo qorshahaasi golaha horyaala.

Mudanayasha golah ayaa waxaa ay gudaha galeen dooda ku saabsan fududeynta helidda Baasaboorka iyo Warqadaha Aqoonsiga, iyaga oo mudanayaashii goobta ka hadlay ay si isku mid ah u sheegeen in Warqadaha Aqoonsiga ee hadda ay bixiso Dowladda Hoose ee Xamar ay tahay mid sharci daro oo ay dhib weyn ku qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Intaas kadib gudoonka golaha shacabka ee maanta ayaa Akhriyay go’aanka mudanayaasha  ay ka soo saareen arrinta qaadasha Warqadaha Aqoonsiga, iyada oo ugu dambeyntii cod loo qaaday kaddib  markii ay Xidlhibannadu ay isku raaceen in la joojiyo bixinta Warqadaha Aqoonsiga ilaa sharci uu Barlamaanka ka soo saaraayo.

Dhinaca kale gudiga Arimaha gudaha ee Barlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxaa ay ka hadleen howl maalimeedka gudigda, gudoomiye ku-xigeenka gudiga Xildhabaan Daahir Aamin Jeesow oo war baahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in kulankooda ay arrimo dhowr ah kaga had

Xildhibaanada-Baarlamaanka

Xigasho: RM

Idale News Online, Muqdisho.