Mudane Xasan Cali Kheyre oo booqday Taalada loo dhisay in lagu xasuusto Shuhadada Ciidamada Imaaraadka ee

0
206

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa shalay  booqday Taalada loo dhisay in lagu xasuusto Shuhadada Ciidamada Imaaraadka ee loo yaqaano Waaxatu Karaama.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Caraabta,wuxuuna Ra’iisul wasaaraha  halkaa salaan sharaf uu kaga qaatay ciidamada, kadibna waxa uu ubax xasuus ah dhigay Taalada Shuhadadaasi oo ah mid aad u balaaran kana kooban Alwaax Aluminihyom ah.

Taaladaasi uu R/wasaaraha Ubaxa xusuusta dhigay waxay kaloo ka tarjumaysaa midnimada hogaanka dalkaasi kan shacabka iyo Ciidamada dalkaasi isutagga Imaaraadka Carabta.