Muqdisho:Qeybo ka mid ah waddooyinka oo saaka u xiran arrimo amni

0
231

Qeybo ka mid ah waddooyinka Muqdisho ayaa saaka oo khamiis ah xiran, iyadoo ciidamada ammaanka oo wata gaadiidka dagaalka ay ku sugan yihiin Isgoysyada qaar.

Sida ay sheegayaan wararka qeybaha ay waddooyinka ka xiran yihiin ahaa ah isgoyskada ku teedsan Wadada Wadnaha, waxaana adag in gaadiidka uu u soo gudbo dhanka Wadada Maka Al-Mukarama.

Sidoo kale meelo qaar oo ka mid ah Wadada Maka Al-Mukarama ayaa xiran, inkastoo aanay dhamaan wada xirneyn, gaadiidka qaarna la celinayo, kuwana la sii deynayo.

Gaadiidleyda iyo dadweynaha wadooyinkaasi isticmaalaya ayaa si goos goos ah wadooyinkaasi u maraya, waxayna qaarkood isticmaalayaan jidcadayaasha xaafadaha.

Wararka ayaa sheegaya in waddooyinka loo xiray arrimo ammaan, iyadoo todobaadkan ay jireen digniino la xiriira qatar amni, waxaana heegan iyo feejignaan la geliyay ciidamada ammaanka qeybahooda kala duwan.

Todobaadkan kaliya waddooyin ka mid ah kuwa Muqdisho ayaa la xiray dhowr jeer, waxaana xirnaanshaha waddooyinka ay ka mid noqotay nolol maalmeedka dadka Muqdisho.

Waddooyinka ayaa horay loo bartay in loo xiro marka Madaxda dowladda dalka ka dhoofeyso ama imaaneyso wafuud caalami, hase ahaatee xirnaanshaha waddooyinka ayaa noqday kuwo soo noq noqday oo maalintii ay dhacdo in labo jeer la xiro.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilligii uu ololaha doorashada ku jiray balan-qaaday in aanay jiri doono waddo la xiro, balse taas cagsigeeda ay korortay waddooyinka la xiro habeen iyo maalin.