Eng Yariisow:Kooxo burcad ah oo dooneysay iney Jabsadaan Bakhaar Ganacsi oo laga hortagay….

0
231

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Osmaan Yariisow oo Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Maxamuud C/kariin Gabeyre ayaa dhiira geliyay Ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gobolka Banaadir oo door muhiim ah kaga jira nolosha Bulshada.

Guddoomiye Yariisow aya inta uu kullanka socday soo hadal qaaday dhacdo dhawaan ka dhacday degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir oo ahayd Kooxo burcad ah oo dooneysay iney Jabsadaan Bakhaar Ganacsi oo laga hortagay.

Wuxuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Engineer Yariisow ku bogaadiyay Ganacsatada Gobolka Banaadir sida hufan ee ay uga qeyb qaadanayaan hanaanka sugida Amniga.