Midowga Yurub Oo Mashaariic Koronto Ka Hergelinayo Wadamo Soomaaliya Ay Ku Jirto.

0
201

Gudiga Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay qorshihii ugu horeeyay oo ku aadan in mashaariic dhanka korontada laga taageero wadamada ugu faqrisan Africa, taasi oo muujinaysa inay dhamaan taageerayaan.

95 milyan oo Euro ayay sheegeen in lagu abaal mariyay 16 mashaariic oo laga hergelinayo wadamada Africa gaar ahaan deegaanada baadiyaha ah, iyadoo korontada la gaarsiin doono 2 milyan oo ruux.
EU
Masuuliyiinta midowga yurub ayaa ku tilmaamay mashruucaasi inuu yahay mid soo kordhin karaa in dadka deegaanada miyiga ah ay helaan koronto wanagsan oo ka saacida dhanka helida adeegyo caafimaad, horumarka bulshada iyo arimo kale.

Waa talaabadii ugu horeysay oo mashaariic koronto lagu siinayo dad malaayiin ah, waxaana la sheegay in qorshaha midowga yurub oo yahay 7 sano ee xigta in ku dhawaad 2 bilyan oo ruux laga taageero dhanka quwada.

Wadamada la doonayo in laga hergelinayo mashaariicda ayaa waxaa kamid ah Soomaaliya, Burundi, Liberia iyo Mali, iyadoo wadamadaasi ay u noqon doono faa’ido wanaagsan.
Idale News Online.