Qabiiro u dhashay dowlada Holland oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay doorka beesha caalamka ee dib u dhiska Soomaaliya ayaa ku taliyay in shacabka Soomaaliyeed la taageero xiligan.
Dr Marjan Lucas, oo ah qabiir u dhalatay Holland ayaa sheegay inay muhiim tahay in beesha caalamka ay caawiyaan shacabka Soomaaliyed, laakiin dhamaadka shacabka Soomaaliyeed laga doonayo inay aayaha dalkooda ka tashadaan.
Wuxuu sheegay in dad badan ay ku nool dalka Holland kuwaasi oo Soomaalida ay ku jireen, isagoo u jeediyay shacabkaasi inay diirada saaraan sidii dalkoooda loo horumarin lahaa.
“Dalka Holland, waxaa jooga Soomaali badan, taasina waa midda aan usoo qaatay Soomaalida, 1991 waxay aheyd bilowgii dhibaatada Soomaaliya, waxay Soomaaliya ku jirtay waqti dheer oo kali talinimo ah kadibna dagaalkii sokeeye ayaa dhacay”ayay tiri.
Safiirka Soomaaliya ee Brussels oo ka qeyb galay kulanka arimaha Soomaaliya looga hadlayay Cali Saciid Faqi, ayaa sheegay in beesha caalamka laga doonayo inay door weyn ka ciyaaraan Soomaalida.
Wuxuu sheegay inay shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin dhanka beeraha, iskuulada, caafimaadka, booliska, ciidamada qaranka iyo adeegyada kale laga taageero.
Idale News Online.