Nairobi: Ciidamada ammaanka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay howl galo ballaaran ay ka sameeyeen Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi waxay ku qab qabteen in ka badan lix boqol oo ruux, kadib markii looga shakiyay inay lug lahaayeen qaraxyadii xalay ka dhacay Xaafadaas
Taliyaha Booliska Kenya David Kimaio ayaa sheegay in howl galadii saakay la bilaabay lagu qab qabtay ilaa lix boqol oo ruux, isagoo xusay in baaritaano ku socdaan dadkaas.
Mr Kimaio ayaa sheegay inay heystaan macluumaad sheegeysa in qaar ka mid ah dadkaas la qab qabtay ay xiriir la leeyihiin kooxaha xagjirka ah
Howl galadii maanta oo ahaa mid saf ballaaran ayaa waxay ciidamada ay gudaha u galayeen guryo ay deganaayeen Soomaalida, waxaana laga raafayay dhalinyarada.
Ciidamada Booliska ee howl galka waday ayaa lagu eedeeyay inay falal anshax daro u geysanayeen haweenka, sidoo kale waxay weydiisanayeen lacago, sida ay xaqiijiyeen dadkii ay guryaha ugu soo galeen.
Wasiirka Arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku ayaa warbaahinta u sheegay in howl galada ka socda Xaafada Islii oo ay Soomaalida ku badan tahay ay yihiin kuwo lagu adkeynayo ammaanka, isagoo cadeeyay inay sii socon doonaan ilaa laga soo qabanayo kooxihii ka dambeeyay qaraxa.
Qaraxyadii xalay ruxay Xaafada Islii ayaa lala eegtay maqaaxi iyo goobo lagu qayilo, waxaana ku geeriyooday ilaa todobo ruux, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen, iyadoo tani qeyb ka tahay qaraxyada mudooyinkii u dambeeyay ka dhacayay magaalooyinka Kenya.
Idale News Online.