Maxkamad ku taala Nairobi oo cadeymo ku weysay nin Soomaali ah

0
188

Nin Soomaali Kenyaan ah oo horay loogu eedeeyay inuu wax ka ogaa qarax loo adeegsaday gaarigiisa oo ka dhacay saldhigga booliska Pangani ee magaalada Nairobi ayaa maanta la sii daayay, kaddib markii lagu waayay dacwadihii lagu soo oogay.

joma-kenyata

Ninka oo lagu magacaabo Axmed Dugal Cali ayaa xirnaa lix bil, wuxuuna ku eedeysnaa inuu taageeray, gabbaadna siiyay rag argagixiso ah.

Dacwad oogayaasha ayaa ku guul-darreystay inay maxkamadda hor keenaan caddaymo muujinaya inuu ku lug lahaa eedaha lala xiriiriyay.

Axmed Dugal Cali ayaa ah milkiilaha gaariga qarxay, wuxuu iska difaacay eedaha loo jeediyay, isagoo caddeeyay in uusan waxba kala socon arrinta gaarigiisa.

Saddex iyo labaatankii bishii April ee sanadkan ayaa gaariga Mr Dugal lagu fuliyay qarax ka dhacay saldhigga booliska ee Pangani, waxaana sida la sheegay ku dhintay labo nin oo dhallinyaro ahaa iyo labo askari oo ka tirsanaa booliska Kenya.

Idale News Online