Ciidamada dawladda Soomaaliya oo wareeray saldhigyo ay ururka Alshabaab ku lahaayeen gobolka Bakool

0
177

Ciidamada dawladdaSoomaaliya oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa maanta weeraray sladhigyo ay ururka Alshabaab ku lahaayeen meel kayn ah oo dhow degmada Waajid.

Xarunta ciidan ee Alshabaab ay lahayeen ayaa ku taalay meel kayn ahoo qiyaastii 40 km u jirta degmada Waajid ee gobolka Baay.

Gudoomiyaha degmada Waajid Cabdullahi Yariisow oo warbaahinta lahadlayay ayaa sheegay in Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ay jabiyeen ciidamadii ururka Alshabaab ee ku sugnaan saldhiga ay weerareen.

Dhanka kale Cabdullahi Yarisow ayaa sheegay in 2 kamid ah ciidmada Alshabaab ay ku dileen dagaalka isla mar ahanaatna ay kal wareegeen guud ahaan xaruntii saldhiga ee ay ku sugnaayeen ururka Alshabaab.

Dagaaladan ay ciidamadu dawladda oo garabsanaya kuwa AMISOM  ay qaadeen ayaa kusoo aadaya xili dawladda Soomalaiya ay wado gulufkii ugu danbeeyay ee colaadeed oo ay ku doonayso inay kula wareegto magaalada Baraawe ee gobolka shabeelaha hoose.

askari

 Idale News Online, Waajid, Bakool