Barakac ka billowday Degmada Baraaawe & Ciidanka Huwanta oo ku dhaw

0
180

Abaanduulaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya General C/risaaq Khaliif Cilmi, ayaa sheegay in Ciidanka DFS & AMISOM ay Shalay ka gudbeen Deegaan 35Km u jira Degmada Baraawe, islamarkaana ay filayaan inay Saacadaha soo socda ay galaan Degmadaasi.

Teaser Image Barakac ka billowday Degmada Baraaawe & Ciidanka Huwanta oo ku dhaw

General C/risaaq Khaliif Cilmi, ayaa sidoo kale tilmaamay in Kooxda Al shabaab ay Dadka Shacabka ah ku qasbayaan inay ku biiraan Dagaalka ay ku difaacanayaan Degmada, balse taasi aysan noqon doonin mid ka hor-istaagta la wareegsita Baraawe.

“Waxaan ka gudubnay Deegaanka Marin Gubaay oo 35Km u jira Degmada Baraawe, Degmadaasi kama duwana Degmooyinkii hore aan uga saarnay Al shabaab, go’aankeena waxa uu yahay inaan dalka oo dhan ka saarna Nabad-diidka, waxaana tagi doonaa Meel walba oo ay dalka ka joogaan,” ayuu yiri General C/risaaq Khaliif Cilmi.

Wuxuu kaloo sheegay in Degmada Baraawe ay ka mid tahay Bartilmaameedkooda kowaad, kadibna ay u jhaysan doonaan Degmooyinka Sablaale, Diinsoor, Baardheere, Jilib, Bu’aale kahor inta uusan dhamaan Sanadka 2014.

Qof degan Baraawe ayaa  sheegay in Shacabka Degmada Baraawe intooda badan Degmada isaga baxayaan, waxaa ay ka cabsi qabaan inuu Dagaal ka dhaco Degmada, maadaama ay tahay Xarunta Horjoogiyaasha Al shabaab.

Idale News Online