Garowe(INO)- Saadiq Warfaa oo si weyn looga yaqaano Fagaarayaasha Doodaha ee gobalada Dalka Mareykanka, wuxuu ku caan-baxay qabashada Doodaha inta badan looga hadlayay xaaladdaha Soomaaliya, Saadiq wuxuu ku guuleystay doorashada xubinimada Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya afarta sanno ee soo socota.
Saadiq wuxuu helay 26 cod oo guushiisa u horseeday, isagoo maray labo wareeg oo doorasho, waxaana uu balan qaaday ka hor intaan la dooran in uu matalaad dhab ah u sameyn doono Soomaaliyeed.
Saadiq Warfaa waxaa la rumeysan yahay in uu ka guuleystay goor sii horysay Siyaasiin mudo dheer ku soo jiray baarlamaanka Soomaaliya, waxaana taasi u sahashahay isagoo deegaanka uu ka soo jeedo ee Goldogob ka soo qabtay arrimo muhiim ah.
Mr, Warfaa waa goob ka hadal bartay, sida loo maamulo doodaha Xasaasiga ah, waxaana uu marar badan qaban jiray Barmaamijkiisa sadexdii biloodba mar la qabto ee loo yaqaano Fagaaraha, laakiin Saadiq hadda wuxuu ku biiray Siyaasada Soomaaliya oo ah mid aan daganeyn.
Doorashad Saadiq Warfaa waxay ka dhigan tahay in baarlamaanka Soomaaliya ay hadda ku dhex jiraan dhalinyarro iyo dad wax badan ka bedeli kara hab dhaqankii baarlamaankii kahoreyey oo musuqmaasuq hareeyey.
Ugu dambeyntii, Doorashada Garoowe ka socota ayaa sii socota, waxaana la dooranayaa mudanayaal cusub, iyadoo berri haddii Alle idmo la dhameystiri doono xubnaha Aqalka Hoose doorashadooda, si loo qabto doorashada Madaxweyne-nimada ka hor dhamaadka bishan.