Madaxweynaha KGS Oo Xildhibaanada Labada Aqalka Ee KGS Ugu Baaqay Midnimo iyo Wadajir

0
177

Baydhabo(INO)— Xildhibaanada Labada aqal ee laga soo doortay Koofur Galbeed ayaa xalay xaflad sagootin ah waxaa loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Baydhabo, iyadoo xildhibaanada loo jeediyay dar-daaran ku aadan sidii ay waajibaadkooda u gudan lahaayeen, dadkoodana ugu adeegi lahaayeen si daacadnimo ah.

Munaasabada ka dhacday xarunta Madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Koofur Galbeed ahna Musharax Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed, Wasiiro ka tirsan maamulkaas iyo saraakiil ka tirsan AMISOM.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii la doortay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sida nabdoon ee ay u dhacday doorashooyinkii Aqalka Hoose ee todobaadkii hore lagu soo gaba gabeeyay Baydhabo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa kula dar daarmay Xildhibaanada la doortay inay ka soo baxaan waajibaadkii loo igmaday, ayna u adeegaan dadka iyo deegaanada ay matalaan.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Xildhibaanada inay la yimaadaan isku duubni iyo midnimo, ayna meel iska dhigaan waxyaabaha tafaraaruqa keenaya.

Shariif Xasan ayaa ka codsaday Xildhibaanada inay aragtidooda mid ahaato, isla markaana rabitaanka shacabka Koofur Galbeed ay ka shaqeeyaan, sida uu yiri.

Arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in Xildhibaanada 69-ka ee Aqalka Hoose iyo 8-da Aqalka Sare loo sameeyay Whatsapp Group Chating, oo ah aalad lagu sheekeysto ee Taleefanada gacanta, oo ay ku wada xiriiri doonaan, waxaana looga gol leeyahay qeybtan wada sheekeysiga in aanu xiriirkooda kala lumin marka ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada laga soo doortay Koofur Galbeed ayaa ah tirada ugu badan ee Aqalka Hoose, sidoo kale marka laga isku daro labada aqal waa maamulka ugu badan oo labada aqal ku yeelanaya 77 Xildhibaan

Ugu dambeyntii, Fadhigii u horeeyay ee Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo 15-ka bishan, iyadoo la dhaarin doono, waxaa lagu wadaa in ugu dambeyn 14-ka bishan ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.