Maxaa Ka Soo Baxey Kulamadii Xildhibaanada Soomaaliya &Guurtida 6 Gobol Ay Ku Yeesheen Baydhabo? +Akhriso

0
220

Baydhabo(INO)-Xildhibaanadii Dowlada Muqdisho ee heshiiska awood qeybsiga horey ula galay Madaxweynaha Maamulka Seddaxda Gobol Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maalin ka hor soo gaaray Magaalada Baydhaba, ayagoo sii wata kulumo gooni gooni ah oo ay la qaadanayaan Odayaasha ka haray Gollihii Guurtida Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Madaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed.

Nuunow

Wada hadal dheer kadib waxaa la isku raacay in la dhameystiro heshiiskii Xamar kusoo kala dhexmarey Xildhabaanadii taageersanaa Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed iyo Madaxweynaha Maamulka Seddaxda Gobol Shariif Xasan.

Waxyaabaha La isla Gartay Maanta Waxaa Ka Mid Ah:-

  •  In awood qeybsigii la bilaabo hadey ahaan laheyd Madaxweyne Ku-xigeenka, Wasiirada iyo Xildhibaanada.
  •  In si deg deg ah lagu bixiyo lacag deyn aheyd oo horey loogu yeeshey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu Madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed.
  •  In si deg deg ah lagu celiyo deegan wadaagtii ka kala timid Lixda Gobol maadaama ay shaqeyn weyday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Intaa ka dib qorshahu waxa uu noqon doonaa in la sameeyo Xaflad balaaran oo si weyn loo soo agaasimayo ayna ka dhacdo Magaalada Baydhaba, taasoo ay kasoo qeybgali doonaan dhamaan Odayaashii Lixda Gobol, Xildhibaanada Heshiiska wax kawaday, Madaxweyne Madoobe Nuunow iyo Madaxweyne Shariif Xasan si loo soo afjaro wixii khilaafad ahaa ee u dhaxeeyay Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Iskusoo wada duuboo waxaa muuqata inay soo afjarmayaan Khilaafaadkii iyo Fikir kala duwanaashihii u dhaxeeyay Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasoo lagu soo afjarayo in lagu midoobo Maamul ka kooban Seddax Gobol oo u wada dhaxeeya Soomaaliweyn.

Idale News Online, Baydhabo