Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si cad u aqoonsaday maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed, kaasoo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Beydhabo.
Idacaada Dowlada Iyo kuwa ka furan Caasimada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha uu Madaxtooyada kula kulmay maanta Madoobe Nuunow Maxamed iyo ku Xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne iyo ku-xigeen maamulkaas.
Kulankaas oo ka dhacay Villa Somalia, waxaa sabab u ahaa in uu dhaco Xildhibaanno 110 gaaraya uu madaxweynaha u ballan qaaday in ay ka laaban doonaan baaqa ay soo saareyn ee ahaa inuu is casili balse waxaa madaxweynaha shuruud looga dhigay in uu aqoonsado maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed .
Maamulkan lixda gobal waxaa ka mid ah deegannada Jubooyinka, Bay, Bakool, Gedo Iyo Gobolka Shabellaha hoose.
Madoobe Nuunow iyo Maxamuud Sayid ayaa waxa ay horrey kulan ula qaateyn ra’iisal wasaaraha IYO Wasiiro ka Tirsan Dowladda Federaalka soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho.