Daawo: Barnaamij Xiiso Badan oo ka hadlaaya “Suurtagalnimada iyo Dalka Somalia ay doorasho ka dhacdo sanada 2016”

0
173

Television Caalamiga oo wareysi la yeeshey mid ka mid ah aqoonyahanada qurbo joogta ah isla markaasna looga hadlaayey suurtogalnimada in dadka Soomaaliyeed ay doorasho xor ah u dareeraan marka la gaaro sanadda 2016.

Eng_Saadiq

Eng. Saadiq Cabdullaahi Cabdi oo horey ula soo shaqeeyey dowladii ugu horeysey ee ku meelgaarka aheyd ee lagu soo dhisey dalka Jabuuti oo arrimahaas qaadaa dhigaayey ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowlada hadda jirta ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo golihiisa dowlada sida Xukuumada iyo Barlamaanka ay ka shaqeeyaa labo arrimood oo muhiin u ah in dadka doorasho xalaal ah ay ka dhacaan.

1. In la helo amni ay dadka Soomaaliyeed gaarsiisan doorashada ka hor kaasoo dadka Soomaaliyeed oo dhan u suurto galin kara in si kalsooni ah ay madaxdooda u doortaan. iyo

2. In la helo qaab Soomaalidu heshiis kutahayoo looga baxaayo hanaankaan fowda iyo kala dambeyn la’aanta lana aadaan qaab kale oo dimoqraadiyad ama dowlad wanaag ah.

Haddii aan la helin ayuu Engineerku waxuu sheegay in aysan suurtogal aheyn in doorsasho cadaalad ku dhisan ay Somalia ka dhaco. haddii ay dhacdose ay la mid tahay in aan tiir fiican ku taagneyn oo wadadii dalka doorashooyinka ka fashilmeen oo kale ay mareyso.

 

Idaale News Online, Mogadisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here