Baraawe(INO)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa waxay shaaca ka qaaday in nin Soomaali Mareykan ah, uu isku soo dhiibay Ciidanka Sirdoonka Dowladda Somaliya, isla-markaana uu haataan ku xiran yahay meel ka mid ah Somaliya.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed C/laahi Xasan, balse loo yaqaano (Miski), ayaa sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, waxaa uu ka soo cararay Ururka Al Shabaab.
Qoraalka, ayaa waxaa lagu sheegay in ninkaasi uu isa soo dhiibay bishii November, ka dib cadaadis kaga yimid Ururka Al Shabaab.
Maxamed C/laahi Xasan oo qoyskiisu uu qaxooti ahaan ku tagey dalka Mareykanka, ayaa dib ugu soo laabtay Somaliya, sanadkii 2007-da, iyadoona uu si weyn u adeegsan jiray barraha Internet-yada, oo fariimo xagjirnimo ah uu ku baahin jiray. Mareykanka ayaa xiray xisaabaad uu ninkaasi ku lahaa barraha bulshada, ay ku wada xiriirto.
Maxamed C/laahi, ayaa galaangal u yeeshay in uu la shaqeeyo Ururka Daacish, isagoo markaasi la joogga Al Shabaab. Wuxuuna juhdi ku bixiyay, sidii uu Daacish uu dagaal-yahano uga qori lahaa dalka Mareykanka.
Warbaahinta iyo hay’adaha ammaanka Mareykanka, ayaa si weyn u hadalhaayay wararka la xiriira ninkan Somaliga ah, oo waxbarashada aas-aasiga ku dhameystay Gobolka Minnesota.
Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed C/laahi Xasan (Miski), uu ku lug lahaa weerarka Arbacadii ka dhacay Magaalada San Bernardino, oo lagu dilay 14 qof oo Mareykanka u dhashay.
180 Somalida Mareykanka, ayaa waxaa la’ogyahay in ay ku biirtay Ururka Daacish, oo ku xoogan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.I
Idale News Online, Baraawe