Baydhabo(INO) – Waxa maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay soo gaarey 80 Qoys oo qaxooti ah oo ka yimid Xeryaha Qaxootiga dhadhaab Ee Dalka Kenya.
Qoysaskan oo Diyaarad ka soo qaadey Magaalada Naiorbi isla markaana waxa dib u dajin looga sameeyn doona Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagooona Mudo 25 sano ay ka maqanaayeen Dalka Soomaaliya, iyagoona si iskooda ah ay u doorbideen in lagu celiyo Wadanka Soomaaliya.
Wasaaradda Dib u dajinta iyo arimaha Jaaliyadaha Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegtey in daalkan lagu soo celiyey Qaxootigan ay ka wada shaqeeyeen Dowlada Kenya iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana waxay xustey in Qoysaskan in mudo ah ay ku xayirnaayeen Magaalada Nairobi Ee Xarunta Dalka Kenya.
Qooxtiga Soo gaarey Magaaalda Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa waxay Hay’ada Qoxootiga Ee Qaramad Midoobey Ee UNCHR ay ku siin doona Cuntadooda Gudaha dalka Soomaaliya iyagoona La Geyn doono Degmooyinka Qansaxdheere iyo Diinsoor Ee Gobolka Bay oo ayagu ka soojeedaan.
“ Waxa Maanta Markii ugu Horeysey la soo Celiyey 80 qoyso oo laga soo qaadey Xeryaha Barakacyaasha Dalka Kenya, waxay ku yimaadeen Heshiis Dhexmarey Dowlada Kenya iyo Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waa arin bilow ah,Waxaan ku wareejiney Hay’adaha INTERSOS iyo UNHCR, dhamaan waxay ka soo wadajeedaan Degmooyinka Diinsoor iyo Qansaxdheere, waa dad beeraley ah, Beerahooda ayey Qodon doona Hay’ada UNHCR waxay ku siin doona Cuntadooda Meelaha ay joogaan, waxa la sugi doona Amaanka Degmooyinka la geyn doono” ayey wasiir ku xigeenka wasaaradda Dib u dajinta iyo Arimaha Jaaliyadaha Faamudo Maxamed Abuukar( Faayow).
Sikastaba ha ahaatee,Waa markii ugu horeysey Qoxooti ka soojeedaan Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee laga keeno Xeryaha Barakacyaasha Dalka Kenya ay soo gaaraan Magaalada Baydhabo, waxaana wasaarada dib u dajinta iyo arimaha Jaaliyaha Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya ay ku Hawlan tahay sidii ay u soo celin lahayd dhamaan barakacyaaasha Koonfur Galbeed Soomaliya isla markaana dib u dajin ay u sameyn lahayd.
Ugu dambeyn,Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay ka mid yihiin Degaanada ay la degeen Colaadii Sokeeye ee Soomaaliya iyo Meel ay herdimaan Kooxda Mayalka Adag Ee Soomaalida Al-shabaab iyo Ciimada Dowada Soomaaliya oo tabar ka helayaan Kuwo nabad ilaalinta Midowga Afrika Ee AMISOM, isla markaana waxa kale ka soojeedaan Qooxtiga ugu tiradA badan Soomaaliya kuwaasoo ay ku daadsan yihiin Gobolada Dalka iyo Wadamada kale aduunka.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com