Mareykanka oo sheegay weerar ka dhacay Koonfurta Somaliya in lagu dilay Sarkaal Shabaab ahaa

0
199

Washington(INO)- Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka (Pentagon-ka), ayaa waxay xaqiijisay weerar ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose in lagu dilay C/raxmaan Sandheere, oo loo yaqaanay (Cukaash), kana tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Ninkan, ayaa waxaa lagu dilay weerar dhinaca cirka ah oo 2-dii bishan ay diyaarad Drone ahayd ka fulisay deegaanka Kuunya Barrow, oo dhacda duleedka Degmada Baraawe.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka oo lagu magacaabo Jeff Davis, ayaa Isniintii sheegay in C/raxmaan Sandheere lala dilay laba ka mid ah Saraakiisha Ururka Al Shabaab, walow aanu magacyadoodu sheegin.

Afhayeenka, ayaa Warbaahinta u sheegay in C/raxmaan Sadheere uu ahaa hogaamiye sare oo Al Shabaab ka tirsan, sidoo kalana uu qayb ka ahaa isku xirka Al Shabaab iyo Al Qaacidda.

Jeff Davis, ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in dilka C/raxmaan Sandheere uu dhabarjab ku yahay Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay ka turjumayso culeyska uu Mareykanku ku haayo Shabaabka, si loo fuliyo sharciga.

“In Cukaash laga saaro dagaalka waxay dhabarjab weyn ku tahay Al Shabaab, waxayna ka turjumaysaa caburinta Sirdoonka, xirfadlayaasha, militariga iyo fulinta sharciga.” Ayuu yiri Jeff Davis.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tallaabada lagu dilay Cukaash ay tahay tallaabo muhiim ah oo horey loo qaaday dagaalka lagula jiro Shabaabka hubeysan, ee ka dagaalamaaya dalka Somaliya.

“Tani waa tallaabo muhiim ah oo horey loo qaaday dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, Mareykankana waa uu sii wadi doonnaa qalabka dhaqaale ee ku baxaaya diblomaasiyadda, sirdoonka iyo militarigaba, si loo furfuro Al Shabaab iyo kooxaha kale ee argagaxiso, kuwaa oo khatar ku ah Mareykanka, danahiisa iyo dadkiisuba.” Ayuu yiri Davis.

Idale News Online, Washing tong

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here