Iyadoo ay shirar dib u heshiineed ay ka socdaan magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ayaa waxaa isa soo taraaaya cabashooyinka ka imaanaaya ergooyinka beelaha wada dega gobolada Maamulka Jubbaland iyo midka Koonfur Galbeed ee 3da gobol.
Malaaq Shiino oo horey u ahaa afhayeenka Oddayaasha shirkii maamul goboleedka lixda gobol balse haatan ka mid ah odayaasha ku howlan dhismaha mamaulka ka kooban 3da gobol Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ayaa waxuu wareysi uu siiyey idaacadaha maxaliga ee dalka si kulul ugu weeraray siyaasadda wajiyada badan waa sida uu hadalka u yiriye iyo hab dhaqanka Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ee ku aadan dhismaha maamulada dalka iyo hirgelinta federaalka..
Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Malaaq Shiino uu ku weeraray siyaasada is bedbedelka badan ee Madaxweyne Xasan Sheekh. (Mobilkaada Ku dhageyso)
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/09/malaaqshiino3.mp3|autoplay=yes]Xafiiska Wararka Idale News