C/llahi Goodax oo Sheegey In Wasaarada Arimaha Gudaha Ay Xafiis Ka Furan Doonto Magalada Kismaanyo

0
183

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay xafiis ka furanayso magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Goodax oo ka mid ah wasiirrada dowladda ee ka qayb-galaya shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ayaa sheegay inuu go’aan ku gaaray in xafiis ay ka furtaan Kismaayo, kaasoo noqdo doona mid isku xira maamulka Jubba, shacabka gobolladaas ku nool iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, ayna ka heli doonaan wixii adeeg ah ee ay wasaaraddu qabato, iyagoo aan wixii ka dambeeya xilligaas u baahan doonin inay yimaadaan Muqdisho.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in 13-ruux oo howl-wadeenno khibrad leh ah ay ka howlgeli doonaan xafiiska cusub ee Kismaayo, isagoo caddeeyay in sida ugu dhakhsiyaha badana ay xafiis uga furan doonaan gobollada Jubbada Dhexe iyo Gedo.

C/llaahi Goodax ayaa ugu baaqay maamulka Jubba inuu gacan ka geysto furitaanka xafiiska cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha ay ku yeelanayso magaalada Kismaayo iyo sidii uu u shaqo billaabi lahaa Kismaayo.

Goodax-Barre

Idale   News Online