Gudoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka KG ee lixda gobol Malaaq Xasan Shure Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtey xarunta maamulkaasi ee magaalada Baydhaba ayaa si kulul u weeraray siyaasada dowlada federaalka ee dhismaha maamulad goboleedyada dalka.
Malaaq Shure oo dhanka kale shirka ka socda Kismaayo iyo kan dhowaan dowlada federaalka ay ka furtay 2duba ku tilmaamtey inay yihiin mid aan ka turjumeynin rabitaanka shacabka fashilna uu ku dambeyn doono maadaama dadka deegaan maamuladaasi aysan qeyb ka aheyn dhismaha maamulada ay dowlada wado.
Xafiiska Wararka Idale News Online, Baydhabo