Dhageyso & Daawo: Shacabka reer Baydhabo oo masuuliyada is hortaaga iyo hakinta shirka dusha ka saarey Xasan Sheekh & Jawaari

0
187
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/01/deerowBay.mp3|autostart=yes]

Ciidamada AMISOM ee ku sugan xarunta ADC ee Magaalada Baydhabo ayaa ergadii iyo dhaqankii beelaha KG u diiday inay gudaha u galaan xarunta shirka maamul u sameynta lixda gobol, ka dib waxaana magaalada ka dhacey banaanbax ay dhigayeen dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo oo ay wehliyaan odayaasha dhaqanka ee loo diiday inay galaan hoolkii shirka.


Waxaa la arkayey ciidamada AMISOM oo rasaas kor u ridaayey islamarkaasna u diiday odayaashii doonayey inay shirka ka qeyb galaan waxaana arintaasi si kulul u cambaareeyey qaar ka mid ah waxgaradkii halkaasi ku sugnaa.

Malaaq Maxamed Yacquub Cali Deeroow oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in is hortaag lagu sameeyeey odayaasha Baydhaba loona diiday in ay galaan xarunta Shirka uu ka socday. waxuuna eeda arrintaas dhusha uga tuuray madaxda sare ee dowlada.

Arrintaan Baydhabo ka dhacey ayaa imaaneysa maalmo yar un ka dib markii gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed cismaan Jawaari oo shir la qaatey xildhibaano iyo wasiiro ka soo jeeda beelaha DM uu ka codsadey in la hakiyo shirka ka socda magaalada Baydhabo.
malaaqDeeroow
Idale News ONline