Malaaq Cali C/raxmaan SHiino oo kamid ah odayaashaasi ayaa sheegay in wixii ka dhacay magaalada Baydhabo ay masuul ka ahayd dowladda isla markaana iyaga ay hadda watan howshooda ah maamulka Koonfur Galbeed dalka.
Waxaa kaloo uu sheegay in la soo gudbiyay araajida musharrixiinta waxa hadda dhimanna ay tahay doorasho loo galo xilka madaxtinimo ee maamulkaasi.
Magaalada Baydhabo waxaa shalay ka dhacay qalalaase kadib markii la hor-istaagay shirka maamul usameynta lixda gobalka oo ay AMISOM sheegtay in taliskeeda sare uu amarkaasi soo bixiyay.
Dhanka kale, waxaa shirkaasi ka garab furan shir kale oo isna la sheegay in lagu dhisayo maamul goboleed ka kooban seddex gobal.
Dowladda Federal-ka Soomaaliya lama sida ay u wajihi doonto xaaladda magaalada Baydhabo oo dadka qaar ay sheegayaan inay ka soo socdaan waxaan fiicneyn.
Idale News Online, Baydhaba.