Daawo: Film laga sameeyey isqabqabsiga guryaha la haysto iyo laamaha cadaalada ee dowlada oo imtixaan horyaalo

0
212

Muranka iyo isqabqabsiga aadka u weyn ee ka taagan magaalooyin waaweyn ee dalka Soomaaliya sida Muqdisho, Kismaayo, Baydhaba iyo Shabeelaha Hoose ayaa gaarey heerkiisii ugu sareeyey, ka dib markii dad badan oo qurbo joog u badan ay dalka dib ugu soo laabteen isla markaasna ay ku dhiiradeen in ay is qaabilaan qaar ka mid ah dadkii sida sharci darada ku haysta.

Isqabqabsiga guryaha iyo beeraha gaarka loo leeyahay ayaa lagu dilay dad badan oo ehel u ahaa hantidaas ka dib markii ay isku dayeen in dadka sida sharci darada ku degan guryahooda ay ka dhaadhicin lahaayeen wareejinta hantidaas.

Haddaba Daawo Sheekadaan oo dhexmaraysa labo qofood oo isku haysta lahaanshaha guri isqabqabsi xoog leh uu ka jiro.

ifrahGuri
Idale News Online