Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo si kulul uga hadlay Raafka lagu hayo Soomaalida kunool Nairobi.

0
219

Madaxaweynihii hore ee Dowlada Soomaaliya Dr Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Xariga iyo dhibaatada kale ee loo geesanyo Soomaalida kunool Magaalada Niarobi ee Dalka Kenya.

Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa tilmaamay in wax laga naxo ay tahay Dhibaatada aan kala sooca laheyn ee Ciidamada Kenya ku hayaan Soomaalida kunool Magaalada Nairobi , waxa uuna intaa raaciyay in loo baahnaa kaliya in Ciidamadu baadi goobaan dadka dambiyada galay.

‘’Waan ka xumahay waxii qaraxyo ka dhacay Dalka Kenya ee dadka dhibaatadu kasoo gaartay, waxaana laga rabay dadka qaraxyada iyo dhibaatooyinka geestay in ay soo qabato oo ay raadiso Dowlada , waa arin qalad ah in loo raafo oo loo dhibaateeyo qaraxyada umad Kenya waxa ka leh ama kuwa qaxootinimo aduunku u aqoonsanyahay oo halkaasi jooga, waxaa habooneed in Dowlada Kenya ay soo qabato dadka dhibaatada geesta maxkamadna lasoo taago, ma ahan wax sharci ah in umad aan dambi galin lagu dhibaateeyo fal ay argagaxiso geesteen ‘’ ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Dr Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa kula taliyay in Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay fuliyaan heshiisyada ay wada gaareen , waxa uuna intaa raaciyay hadii Dowlada Kenya ka baxday heshiisyada in loo baahnaa Dowlada Soomaaliya in ay qaadato tilaabooyin lagu bad baadinayo dadka Soomaaliyeed ee lagu dhibaateenayo Gudaha Kenya.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xili Magaalada Nairobi lagu xir xiray kumanaan Soomaali ah, kuwaa oo lagu soo qab qabtay howlgalo ay Ciidamada amaanka Kenya ka fuliyeen Xaafadaha ay Soomaalidu ka dagan tahay Magaalada Nairobi.

cabdi-qaasim-salaad-xasan-1

Idale News Online.