Muqdisho – Boqolaal Qof ayaa Saakay isagu soo baxay Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye kuwaasi oo dhigaya Dibadbax ay uga soo horjeedaan Isbaarooyinka Sharci Darrada ah.
Dibadbaxa oo ay ka qeybgalayaan Darawalada Gaadiidka iyo Shacabka Isticmaala Wadada ayaa waxa uu ka socdaa Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho, waxaana xiran Wadada, iyadoo sidoo kale aan shaqeynayn Gaadiidka Saakay. Dadka ayaa si weyn uga cabanaya Isbaarooyin badan oo la dhigay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo Shacabka iyo Baabuurta lagu dhibaateeyo oo Dhac iyo Dil loogu geesto Maalin kasta. Bannaanbaxayaasha oo wata Boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan Isbaarooyinka, ayaa Socod dheer ku maraya Wadooyinka, iyagoo ka codsanaya DFS in ay wax ka qabato Dhibaatada taagan.
Darawalada ayaa joojiyay Shaqada, iyagoo sheegay in Lacagtii ay shaqeeyaan ay ka qaataan Ciidamada jooga Isbaarooyinka, iyadoo taasi ay keentay in Shacabka deggan Deegaanada Ceelasha Biyaha, Lafoole, Carbiska, Siinka Dheer iyo Km13 ay waayeen Gaadiidkii ay kus safrayeen. Ciidamo ka tirsan Militariga Dowladda Federaalka ah ayaa lagu eedeeyay in ay dhigteen Jidgooyooyinka Shariga aan waafaqsanayn.
Idale News Online – Xafiiska Muqdisho.