Waxaa faah faahin dheeri ah ka soo baxaysaa, Qaraxii Saakay lala beegsaday Xog-hayihii degmada Wadajir Maxamuudi Abuu Xaaji.
Qaraxan oo ahaa mid qorsheeysan oo lala eegtay isaga kaligisa oo ahaa Miino loo galiya Gaarigiisa Kursiga uu fariisto Xaghayaha, Qaraxan ayaa sababay gabi ahaan in uu kala go,o Xoghayaha degmadda wadajir.
Allah u naxariisto Mudane Maxamuudi sida la sheegay waxa uu si nabad ah uga soo tagay gurigiisa oo ku yaalla Degmadda Wadajir gaar, ahaan Xaafada Xaawo Taako, waxa uuna u dhowaa Xaafada gudoomiyaha Degmadda Axmed Daaci, sida goobjooge noo xaqiijiyay gudoomiyaha Markii uu kasoo tagay gurgiisa inta uusan laamiga gaarin waxaa loo taabtay rumuudkii Miinadda oo u muuqday mid qorsheesnaa.
Intabadan isaga ayaa wata gaariga oo gacantiisa ku kaxaysan jiray, waxaana miinadda la galiyay kurisaga uu fariisto markii uu soo baxayna inta xaafadisa si nabad ah uga soo Tagay la Qarxiyay oo sidaas laba cad u kala noqday, IStaafkiisa oo la saarnaa xitaa waxba ma gaarin.
Dhanka kale waxaa la sheegay in Gaarigiisa uu ku xareesan jiray Gurigiisa waxaana lala yaaban yahay sida ay ku suurto gashay in Qaraxan loo galiyo, sidoo kale waxaa la sheegay in Gaarigiisa uu ku xirnaa Qalab oo Habeenkii marka la taabto Alarm ugu dhawaaqi jiray Qolkiisa, waxaana illaa hada la garan la, yahay sida ay u suurto gashay maadaama uu sidan u dadaalayay.
Mudo halsaac ah waa loo dhowaan waayay gaariga oo loo jeedday Meeydka oo go,go,an balse waxaa laga baqayay in qarax kale dhaco, mudo ka dib waxaa suurto gashay in Ciidamada u taba baran yimaaddaan sidaasina loo soo saaray meydkii, Mr Maxmuudi ayaa sida la sheegay masuul ka ahaa Xeradda Barakacaaysha Rajo ama BAD BAADO 2 oo ay gacanta ku hayaan Turkiga, sidoo kale Xoghayaha waxa uu xiriir la lahaa Turkiga oo warshaddo ku yaalla xeradasi masuul kaga ahaa, majirto cid sheegatay Qaraxan lagu Qaarjiyay masuulkan
Idale News Online, Muqdisho.