Madaxweyne Xasan Sheikh oo gaarey dalka Suudaan, kana qeyb galaaya Caleemo saarka Madaxweyne AlBashiir

0
263

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Khartuum  ee dalka Suudaan, halkaasi oo uu kaga qeybgalaayo xafladda caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaasi Cumar Xasan Albashiir.

Madaxweynaha iyo Wafdiga la socda oo ka soo kici timay dalka Nigeria oo ay kaga soo qeybgaleen munaasab lagu calaamo saaraayey Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Muhamadou Buhari , ayaa  markii ay soo gareen garoonka diyaaradaha ee magaalada caasimada ee Khartuum waxaa si diiran halkaasi ugu soo dhaweeyey madaxda ugu sareysa ee dalkaasi iyo masuuliyiinta safaarada Soomaalida ee dalka Suudaan.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa waxa inta uu joogo Khartoum la filayaa inuu la kulmo  jaaliyada Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta safaarada Soomaalida ee dalka Suudan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa  ayaa qorshuhooda yahay in ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho  maalinta talaabada ee berito ah.

safarkaMadaxweynaha

Idale News Khartoum.