Dowlada Koonfur Galbeed Oo Markale Ku Celisey Diidmada SahanTirakoobkii Dhawaan Ee Dowladda Soo Saartay

0
267

Baydhabo(INO)-Kulan ay isugu yimaadeen wasiirada Dowladda  Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa waxaa looga soo horjeestay tirakoob dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartay kaasi oo ku aadan dadka Soomaaliyeed.

Kulanka wasiradaan ay yeesheen ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa saxaafadda la hadlay afhayeenka maamulkaasi Cabdiqaadir Nadaara, waxaana uu sheegay in wasiirada oo uu shir gudoominayay Maaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan ay sheegeen in marnaba ka maamul ahaan aysan raali ka ahayn sida loo soo saaray tirakoobka dadka Soomaaliyeed.

“Waxay wasiirada ka dalbadeen dowladda Federaalka, gaar ahaan wasaaradda Qorsheynta in Qaramada Midoobay in dib loogu laabto tirakoobkaasi, sidoo kalena wasiirada ayaa isku raacay in gobalada Dowlada Koonfur Galbeed ka arrimiyo tirada laga soo saaray aanu ahayn midkii saxda ahaa” ayuu yiri Afhayeen Nadaara.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa horay war ay usoo saareen waxa ay kaga soo horjeesteen tirakoobkii dhawaan ay shaacisay dowladda Federaalka, kaasi oo ku aadan inta ay yihiin dadka Soomaaliyeed.

Halkan Ka Akhriso

ISWA POPULATION ESTIMATION POSITION

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here