Daawo: Ciidanka Daraawiishta Maamulka KGS oo hubkii ay ku howlgali lahaayeen loo qeybiyey

0
275

Baydhabo(INO)-Xerada Tababarka Ciidamada Cali Salaamey ee magaalada Baidoa ayaa waxaa tababar loogu soo gabagabeeyey dufcadii uGu horeysey ee ciidanka daraawiisha ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.  Waxaan dhamaan ciidamadii halkaasi ku sugnaa loo qeybiyey saanadii ay ku howlgali lahaayeen oo isugu jirta hub, rassaas iyo dareyska ciidamada.


Waxaana goobta tababarka ka Hadley Wasiirka dhaqan celinta iyo maleeshiyoonka Xasan Eeleey oo sheegay in waxii xaquuq ah ee ciidanka ka dhiman sida mushaarka, gaadiidka dagaalka iyo garaamkooduba ay si degdeg ah uGu soo dhameystiri doonaan.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka Hadley taliyaha ciidanka booliiska gobolka Bay G/Sare Mahad oo sheegay in ciidanka tababarka u soo dhamaadey ay wax badan ka qaban doonaan amaanka guud ee gobolka maammulka koonfur galbeed Somalia.

Waa Ciidankii  daraawiisha ee uGu horeeyey uu yeesho maamulka KGS, iyadoo horey ay u jireen ciidamo booliis iyo military oo maamulka gobolka hoos taga, kuwaasoo hadda la qorsheeyey in ay aagag kala duwan ka howlgalaan.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here