Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” Dowlada Mareykanka Amaanka ayuu naga gacansiinayaa”

0
235

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheihk Maxamuud oo ku sugan Magaalada Waashiton ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya Mareeykanka ay geeysay Ajandayaal Qorsheeysan oo hore loo diyaariyay.

Teaser Image Dhageyso:Xasan Sheikh

Xasan Sheikh Maxamuud  oo Wareeysi siinayay  Idaacada BBC-da laanta la hadasha Soomaaliga ayaa sheegay in Ajadayaasha Mareykanka ay la tageen ay ka mid ahaayeen ‘in laga Gacansiiyo Amaanka iyo Tababarada Cidamad,in Maalgashi lagu sameeysto Soomaaliya,kuwaas oo wax badan intooda badan lagu guuleeystay sida uu sheegay Xasan Sh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Sidoo kale Mareykanka uu sheegay in Soomaaliya laga Saacidayo Dhismaha Ciidamada iyo Gacansiinta kuwii hore u dhisnaa si looga Guuleeysto dagaalka lagula jiro Maleeshiyada Arrgagixisadaa ee Al-shabaab.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu soo Gab gabeeyay Shirkii Mareykanka iyo Madaxweyneyaasha Qaarada Afrika oo mudo dhowr maalin ah soconayay,inkastoo aan wali Warmurtiyeed laga soo saarin waxii lagu heshiiyay.

Idale News  Online – Xafiiska  Baydhabo Janaay.