Dowladda Wadanka Soomaaliya oo Dalbatay in Xasan Xanafi loo soo gacan galiyo.

0
245

Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Ambaasadoor Maxamed Cali Nuur “Ameerika” oo la hadlay BBC’da laanta Afka Soomaaliga ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka Dalbatay Kenya in loo soo gacan galiyo Horjooge ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay Magaalada Nairobia.

Teaser Image Dhageyso:Dowladda oo Dalbatay  in Xasan Xanafi loo soo gacan galiyo

Ameerika ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ay leeyihiin Xariir Wanaagsan islamarkaana ay Dalabkaas u gudbiyeen oo ay ka Rajeenayaan in laga Aqbalo.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Nuur ayaa sheegay  in Xasan Xanafi uu ahaa Dilaa Wariyaal badan oo Soomaaliya jooga uu dilay,kaas oo danbi weyn ka galay Shacabka Soomaaliyeed.

Horjoogahaan lagu qabtay  Magaalada Nairobi  Xasan Xanafi Xaaji ayaa waxaa lagu Tuhunsan yahay Dilal badan oo loo geeystay Wariyaal oo ay ka mid ahaayeen Mahad Axmed Cilmi,Cali Iimaan Sharmaake iyo Shiiqnuur Abkeey.

Waxaana laga sugayaa Dowladda Kenya  Go’aanka ku aadan in Soomaaliya  u soo gacan galiso Horjooge Xasan Xanafi Xaaji.

Idale News  Online – Xafiiska  Baydhabo Janaay.