Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Warbixiyay Shirkii Magaalda Washingtong Ee Dalka Mareykanka.

0
173

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shegay in Dowladda Federaalka ay wax badan ka faa’ideysatay Shirkii Madaxda Qaarada Afrika iyo Dowladda Mareykanka dhexmaray ee lagu qabtay Washington.

Teaser Image Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Warbixiyay Shirkii Washington

Madaxweynaha oo Wareysi siiyay BBC ayaa sheegay inay guulo kasoo hoyeen Shirkii Afrika iyo Mareykanka dhexmaray ee shalay lagusoo gabagabeeyay magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka.

Xasan Sheekh ayaa amaanay Dowladda Mareykanka, sheegayna in Dowladda Mareykanka ay u taagantahay in ay wax ka qabato Ammaandaradda ka jirta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha in Dowladda Federaalka ay Shirka la tagtay Ajandayaal kale duwan, ayna dhammaatood ku guuleysteen inay u fulaan sidii ay ugu talog-galeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxda Mareykanka ay isla af-garteen sidii loo xoojin lahaa tayenta Ciidanka Qaranka, wuxuuna ku daray in Mareykanka uu tababar siin doono Ciidamada Xoogga.

“Shirka waxaan la tagnay ajandayaal fara badan (…) Dowladda Mareykanka waxey gacan naga siin doontaa sugidda ammaanka iyo difaaca, maamnulka iyo maaliyadda iyo weliba maalgashiga,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh

Shirka oo uu martigaliyay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama waxaa ka qeyb galay ku dhawaad 50 hoggaamiye Afrikaan ah, waxaana loogu talagalay in lagu kordhiyo xiriirka u dhexeeya Afrika iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ku dhawaaqay $33 biliyan oo ah maal-gashi cusub iyo taageero maaliyadeed oo loo qoondeeyay Qaarada Afrika.

Waxa ku jira $12 bilyan oo la galinayo waaxda tamarta ee Afrika, $14 bilyan oo la galinayo heshiisyada maal-gashi iyo $7 bilyan oo dayn ahaan loo galinayo waxyaabaha Maraykanka laga keeno ee la geeyo Afrika, sida ay warisay AFP.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Idale News Onlin, Xafiiska, Minipolis, USA.