Madaxweyne Xasan Sheekh & Madaxweyne Shariif Xasan Oo Sameystay Isbaheysi Siyaasadeed Cusub

0
248

Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegay inay sameysteen isbaheysi siyaasadeed kadib culeys kaga yimid maamulada Puntland iyo Jubba, kuwaasoo isku bahaysanayo  Qaab-Beeleed.

xasan iyo shariif

Shirkii wadatashiga dowladda federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah ayaa laga dareemay arrintaasi, iyadoo maamulka Jubba inta badan ku mowqif ahaa Puntland, halka Madaxweyne Shariif Xasan isna la safnaa dowladda federaalka Soomaaliya, arrintaas oo keentay inuu isbaheysi kumeelgaar ah dhex maro labada dhinac.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan  ayaa la sheegay inuu isla og yihiin arrinta mooshinka ka dhanka ah maamulka Axmed Madoobe, isla markaana qorshe hoose ka dhaxeeyo oo ku saabsan arrimaha hiigsiga cusub ee 2016-da. Labadan mas’uul ayaa hore shirko ugu ahaa ridistii xukuumadii hore ee C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Ugu Dambeyntii, Isbaheysigan cusub ayaa ku dhashay xaalad kumeelgaar ah oo aan la ogeyn inay sii jiri doonto, inkastoo dowladda federaalka ka yareyn doonto culeyska maamulada kale ku hayaan.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here