Qansaxdheere(INO)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Qansax dheere ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhacay halkaasi kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Alshabaab.
Dagaalka wuxuu ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan Alshabaab weerar ay ku qaadeen fariisin ciidamada ay ku lahaayeen duleedka deegaanka kadibna ay gudaha u galeen magaalada.
Gudoomiyaha Qansax dheere Aadan Cabdi Qooqane, ayaa Warbaahinta , u sheegay in dagaalkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii ku dagaalamay bartamaha degmada.
Wuxuu sheegay in tiro ciidamo ka tirsan Alshabaab ay ku dileen bartamaha magaalada maadaama weerar ay kusoo qaadeen Qansax dheere, laakiin dhankooda hal askari uu kaga dhintay.
“Waxaan ka dilnay ilaa seddex ruux, inter la ‘aan ayaa jirto mooyee waan kuusoo sawiri lahaa dhamaan meydadka ay ka carareen, annaga dhankeena hal askari ayaa inooga dhintay weerarkaasi”ayuu yiri gudoomiyaha degmada Qansax dheere.
Ugu dambeyntii Alshabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay dagaalka ka dhacay degmada Qansax dheere ee gobolka Bay.
Idale News Online, Qansaxdheere