Daawo:Toogasho Dhoor Qof Lagu Dilay Oo Ka Dhacday Magaalo Kutaala Dalka Switzerland

0
207

Würenlingen(INO)-Shan qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen toogasho ka dhacday guri kuyaala Magaalo lagu magacabao Würenlingen oo ku taala Waqooyiga Dalka Switzerland, waxaana socda baaritaano ay booliisku ku ogaanayaan dadka la dilay iyo ruuxda weerarka ka dambeeyay.

Nin hubeesan ayaa la sheegay in Bambaanooyin iyo rasaas kale uu ku dilay shan qofood, waxaana Weerarka kadib la sheegay in ninkii hubeesnaa uu isna istoogtay, waxaana socda baariraano xoogan ay sameenayaan Ciidamada booliiska.

Goob joogayaal ku sugnaa halka Weerarku ka dhacay ayaa sheegay in ay rasaas maqlayeen, waxaana markii ciidamadu gaareen halka Toogashadu ka dhacday ay arkeen meydadka ilaa shan qof uu ku jiro ninkii weerarka ka dambeeyay.

Booliiska Switzerland ayaa la filayaa in ay faah faahin ka bixiyaan Weerarka Toogashada ah ee dhacay iyo ruuxii ka dambeeyay, Warar soo baxaya ayaana sheegaya in Weerarkan uusan xariir la laheyn Kooxaha Islaamiyiinta ah.




Idale News Online,Würenlingen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here