Xudur(INO)-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, iyadoo airport magaaladaasi ay ku soo dhaweeyeeen tiro dad ah oo soo dhaweyntiisa halkaasi loogu sii diyaargareeyey.
Mas’uuliyiinta gobolka, yo kuwa ciidamada Itoobiya ee AMISOM ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhoweynta wafdiga Hoggaamiyaha maamulka Koonfur galbeed Mudane Shariif Xasan,waxaana Wafdigiisa kamid ahaa xildhibaan Xuseen Sheikh Maxamuud (Xuseen Badni), Wasiirkii hore ee Maaliyada ee Maamulkii KG ee 3da gobol Xasan Eelaay iyo sakaal sare oo ciidanka ka tirsan.
Soo dhoweyn ka dib ayaa wafdiga oo ay wehliyaan ciidamada Itoobiya waxaa loo gelbiyay gudaha magaalada gaar ahaan xarunta maamulka halkaas oo uu kulamo kula yeeshay maamulka gobolka Bakool iyo saraakiisha ciidanka dowlada iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ka tirsan isagoo ka xog wareystay xaaladaha Amni iyo tan bani aadanimo ee ka jirta guud ahaan gobolka Bakool.
Tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee koofur galbeed somaaliya ayaa waxa uu bilaabay kormeero uu ku sameeynayo deegaanada maamulkiisa uu ku talinyo.
Halkan Daawo Sawirada Maanta
Wariye Cabdinuur Mayow Cali Idale News Online, Xudur, Bakool