Madaxweyne Sharif oo Shirka Saxiixayaasha Ka baxay

0
262

Khilaaf cusub ayaa laga soo sheegeyaa inuu soo kala dhex galey saxiixayaasha Somalida ee uu shirka uga socda magaalada Nairobi.  [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2012/08/Casharo-oo-ka-bixista-Sheikh-Sharif-ka-hadlaayey.mp3] Madaxeyney Shariif ayaa shirka dib uga soo noqdey magaalada Muqdisho  ka mid markii ay qaar ka mid ah saxiixayaasha iyo madaxweyne Shariif Axmed si hoose isku maandeefeen qodobo dhowr ah aan weli la shaacin oo ku aadan dhameystirka habka kala guurka. Ergiga gaarka ee Somalia Augistine Mahiga oo isku dayey inuu Madaxweyne Sharif Sheikh Axmed shirka dib ugu  soo celiyo ayaaney u suurtogalin.

Madaxweyne Shariif Axmed ayaan wax war ah siinin saxaafada markii uu Muqdisho soo gaarey waxaana safarkiisa Muqdisho ku wehliyeye mid ka mid ah saxiixayaasha oo ah Madaxa kooxda Ahlu Sunnah Wa jamaaca C/qaadir Macalin Nuur. Xubnaha saxiixayaasha Road map ayaa iyaguna sii wata shirkooda oo hadda uu ka socda magaalada Nairobi, lama garan karo waxa ka soo bixi kara maadaama 2 xubnood oo saxiixayaasha ay ka baxeen shirka.

Ma ahan markii ugu horeysay ee madaxda sare iyo saxiixyaasha uu soo kala dhex galo khilaaf noocan oo kale ah,  lama garan karo waxa beesha caalamka ay culeys ugu saaraayaan in la isku keeno masuuliyiin markasta la taagan khilaaf joogta ah halkii bedelkooda laga taqalusi lahaa, isla markaasna aan diyaar u aheyn ka shaqeynta danta dadka iyo dalka Somaliyeed  maan looga fadhin iney soo celiyaan sharafkii ummadda Soomaaliyeed laheyd.

Idale News Online “INO”  Muqdisho.