Sharif Xasan Sh. Adan oo soo jeediyey in doorashada Madaxweynaha la soo hormariyo

0
254

Shirka saxiixayaasha Qariirada Nabada ee Somalia ee ka socda Nairobi ayaa lagu soo waramayaa in kala aragti duwanaan u dhaxeyso hogaamiyeyaasha ka qeyb galaaya  shirkaas.  Kulankii ay  saxiixayaashu la yeesheen Xog-hayaha Arrimaha Dibada ee Mareykanka Hillary Clinton ka dib waxay saxiixayaasha u qorsheysnaa in ajendayaal gaar ah isla meel dhigaan oo ay ka mid ahaayeen sidii laga yeeli lahaa guddiga farsamada ee soo xulista barlamaanka isla markaasna shuruudahooda eegaaya tasoo Madaxweyne Shariif dhacsanaa wax ka bedelka guddigaas, waxayna soo jeediyeen qodobo dhowr ah in wax laga bedelo.

Guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan ayaa soo jeedintiisa ay ka yaabisey inta badan hogaamiyaashii shirka ka qeyb galey iyo ergiga gaarka ah ee Qaramada midoobey Mr Mahiga ka dib markii uu Shariif Xasan ku taliyey in doorashada Madaxweynaha la soo hormariyo, dibna loo dhigo doorashada Guddoonka Barlamaanka, taasoo ah nidaam khilaafsan sharciga Dowlada u degsan.  Arrintaas oo horey BBCda wareysi ka qaadey Sharif Xasan ku sheegey in uu rabo inuu noqdo Musharax Madaxweyne haddii uu waayase u tartamo Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia.

Dhowaan ayey aheyd markii Shariif Xasan Sheekh Aadan ka wada  saxiixey odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle ineysan xildhibaanada ay soo magacaabaan isu soo taagin jagada Gudoomiyaha Barlamaanka sababo uu ku sheegey in tan iyo 1960kii ay u taagaayeen janadaas balse loo baahan in xilka madaxweynimada dalka isu soo taagaan.  Siyaasi iyo waxgarad beelahaas ka soo jeeda ayaa ku tilmaamey arrin dan gaar ah laga leeyahay waxaana jira shaqsiyaad ka soo jeeda beesha Digil iyo Mirifle oo Shariif Xasan ka mudan xag aqoon, karti iyo wadnisan, ha taageero haddii ay ka dhab tahay danta guud ee Beelaha Digil iyo Mirifle.

Idale News Online “INO” Muqdisho