Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey

0
224

Madaxweynaha Jamhuuiriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa dalka dib ugu soo laabtey ka dib markii uu dalka Ingiriiska uu uga soo qeyb galey shirka Soomaalida ee ka dhacey magaalada London.

Madaxweynaha oo si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade International Airport ee magaalada Muqdisho ayaa si kooban uga warbixiyey safarkiisa London iyo guulaha uu ka soo hooyey iyo kulamadii wadatashiga ahaa ee uu la yeeshey qeybaha kala duwan ee caalamka ee shirkaas joobjoogga ka ahaa iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalalka Yurub iyo Ingiriiska.

Madaxweynaha  iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey madax ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Mudane Prof Maxamed Cismaan, Jawaari,  Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobalka Banaadir, Taliyayaasha Ciidamada iyo masuuliyiin kale

Sawirada Soo Dhaweynta Madaxweynaha filo dhowaan

Idale News Muqdisho