Ra’isul wasaaraha Dalka Britain David Camiron, ayaa waxa uu wareysi dhinacyo badan taabanaayo siiyay Wakaaladda Wararka AP, isagoona sheegay in Madaxweynaha dhigiisa ee Somalia Xassan Sheikh Maxamuud ku amaanan yahay Heerka uu ku qaabilay Wufuudii ka qeybgashay Shirkii ka dhacay Magaallo madaxda Britain ee London.
Mr. David Camiron waxa uu sheegay inuu la dhacay qaabka Madaxweyne Xassan iyo Wafdigiisa Baahidooda ugu sheegteen, taasoo uu David ku macneeyay inay tahay qeybo kamid ah guullaha ay gaartay Xukuumadda Somalia markii loo eego Dowladihii hore ee Soo maray Somalia.
Cameron, waxa uu si gaar ah u amaanay sida habsamida ay ku jirto oo uu Madaxweyne Xassan Sheikh ula kulmay Qurba joogta ku nool Gudaha Dalka Britain iyo Hay’adaha kale ee caalamiga uu soomaalida cusub ugu raadinayo taageerada.
Waxa uu u jeedada Madaxweynaha ku cabiray inay tahay mid lagu doonayo in dowlada Soomaaliya ay xaqiijiso ammaanka guud ahaan dalka iyo dib-u-dhiskiisa, isagoona carabka ku dhuftay in Somalia ay u talaabtay Marxalad aan horay looga fileyn, balse ay weli u baahan tahay Gargaarkii ay Beesha caalamka ka heli jirtay, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, waxa uu Tooshka ku ifiyay in shirkii dhaqaalo uruurinta Soomaaliya uu wax badan ka badalayo Soomaaliya,wuxuuna carabka ku dhuftay in Soomaaliya Beesha caalamka aysan u kala hareyn oo la iska kaashanayo caawinteeda.
David Cameron ayaa waxa uu dhanka kale, Sheegay in Wufuudii iyo Hay’adihii Caalamiga ee ka qeybgalay Shirka London ay si gaar ah Britain kala hadashay inay hanta iyo Siyaasadba ku darsadaan Dhismaha iyo Kobcinta ay ku wadaan Dalka Somalia, taasoo uu ku sifeeyay inay tahay mid waajib ku ah gabi ahaan Dowladaha caalamka gaar ahaan kuwa daneeya Arrimaha Somalia, wuxuuna sheegay inay isla meel dhigeen inay ka qeybqaadanayaan dib u dhiska ciidamada bariga iyo Badda Soomaaliya,Cadaalada iyo Maareynta habka Maaliyada Soomaaliya,isagoona adkeeyay in Soomaaliya ka gudbeyso dhibaatada.
Si kastaba ha ahaatee, David Camiron, waxa uu Rajo ka muujiyay in Somalia ay sanad gudaheeda dhismo iyo dhaqaalo ahaan wax la qeybsato Dowladaha caalamka, Shacbigana ugu baaqay inay la shaqeeyaan Dowladda.
Idale News Muqdisho