Saturday, January 18, 2025
Home Idale Somali News Update Qarashkii ugu badnaa Madaxweynaha Soomaaliya ku bixiyo safar Dibada ah (Faalo Wargeyska...

Qarashkii ugu badnaa Madaxweynaha Soomaaliya ku bixiyo safar Dibada ah (Faalo Wargeyska The Sun)

0
203

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa dalka Britain, ayaa qoray warbixin dood weyn ka dhex dhalisay shacabka Ingiriiska, taasoo uu ka qoray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh
iyo wafdigiisa oo maalmahaanba ku sugnaa magaalada London.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi ka kooban 5 kamid ah golaha wasiirada, iyo 14 xubnood oo kamid ah howl-wadeena dowladda, ayaa maalmahaan ku sugnaa gudaha wadanka Britain, iyagoo ka qayb galay shirar Caalami ah oo looga hadlayay xaalada Soomaaliya, iyo sidii ay beesha Caalamka u caawin lahayd.

Dowlada Britain ayaa ku bixisay qarash xad dhaaf ah oo la baajin karay Hoteeladooda iyo Gawaarida qaadeysay wafdiga.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa afar cisho degenaa Hotelka Dorchester oo ah Hotelada ugu qaalisan oo loo tamashla tago, qolalkiisa kuwa ugu jabana waa £318 halkii habeenba.

David1_1726689a

Halka ugu jabana uu yahay qiimaha lagu jiifto £9,318 habeenkii.

Gaarigii lagu qaadayayna waxaa lagu sheegay in ay ku baxeysay £400 maalinkii, hayeeshee xafisika arimaha dibada ee wadanka Ingiriiska oo arintaan wax laga weydiiyay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.

David_M_1726688a2

Xataa hadii wafuuda qaar ay degenayeen qolal raqiis ah, isku darka hotelka waxay gaartay £50,798 oo Pound taasoo u dhiganta $81.2768

Isbaheysiga lagu magcaabohe Taxpayers’ Alliance oo u hadlay cashuur bixiyayaasha waddanka Ingiriiska arrinkaan wuxuu ku sheegay mid lala cajabo oo lama filaan ah.

Halka wasaaradda arrimaha dibadda ay sheegtay in shirkaan ahaa mid muhiim ah sidaas darteedna qarash kaa ku baxay uu mudan yahay.

Idale News Online Mogadishu