Galkacyo(INO)— Wada hadalo u dhaxeeya Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ka bilaabanaya magaalada Gaalkacyo, kaasoo xal buuxa looga gaarayo colaadii todobaadyadii la soo dhaafay ka jirtay galbeedka magaalada.
Labada Madaxweyne oo shalay gaaray Gaalkacyo ayaa xalay ku kala hoyday labada dhinac ee magaalada, waxaana wada hadalada maanta ay yeelanayaan goob joog ka noqonaya Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsna Soomaaliya.
Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay aheyd mid degan, goobaha ay isku hor-fadhiyaan labada ciidan ayaa wax rasaas ah laga maqlin, tan iyo markii Madaxweynayaasha labada maamul ay gaareen.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa sheegay in xabad joojintii ay ku saxiixeen dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ay ka dhab tahay, isagoo ugu baaqay dadka ku nool Gaalkacyo inay nabad aka shaqeeyaan, isla markaana aanay wanaagsaneyn colaad, dadkuna ay ku degenaadaan walaalnimo, nabadgelyo iyo xasilooni.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in Nabada Gaalkacyo laga shaqeeyo, isagoo dhankiisa caddeeyay in dadka ku dhaqan Gaalkacyo ay tahay inay ku wada noolaadaan nabad iyo degenaansho.
Wada hadalada maanta ka bilaaban doona magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa mar kale labada dhinac ay qalinka ku duugi doonaan heshiis xabad joojin oo waara, kaddib markii uu bur buray heshiisyo horay loo gaaray.