CANADA: Muwaadinkii ugu horreeyay ee soomaali ah oo qeyb ka noqday booliska magaalada Edmonton

0
180

Edmonton(INO)- Gabar asalkeedu yahay soomaali, haysatana dhalashada dalka Canada islamarkaana lagu magacaabo Amal Abdi (28-jir) ayaa ka mid noqotay booliska magaalada ay soomaalidu ku badan tahay ee Edmonton, gobolka Alberta ee dalkaaasi Canada.

Xaflad loo qabtay 30 askari oo ay Amaal Cabdi qeyb ka tahay ayaa ka dhacay magaalada Edmonton, islamarkaana kusoo biiray booliiska ayaa waxaa ka qeyb galay boqollaal dad ah kuwaas oo daawanayay caleesaarka askartan cusub.

Soomaalida magaalada Edmonton ayaa soo dhaweeyay arrintan, waxaana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay arkaan qof iyaga matalaya oo booliska ku jira.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli qaar ka mid ah dhallinyarada soomaalida siyaabo kala duwan loogu dilo magaaladaasi.

Amal ayaa ah muwaadinkii ugu horreeyay ee soomaali ah kaas oo qeyb ka noqda booliska gobolka Alberta ee dalka Canada.